An Egyptian billionaire has offered to buy an island off Italy or Greece in order to rehouse hundreds of thousands of refugees fleeing Syria and other conflicts

ENGLISH VERSION BELOW..
Bilyineer u dhashay dalka Masar ayaa soo jeediyey in uu iibsado mid kamid ah Jaziiradaha Taliyaaniga ama Giriiga si loo dejiyo boqolaalka kun ee qaxootiga ka soo cararaya dalka Suuriya iyo wadamada kale ee colaaduhu ay ka jiraan.

Naguib Sawiris oo ka mid ah 10-ka nin ee ugu taajiranan Afrika ayaa kaga dhawaaqey mashruucani bartiisa Twitter-ka, laakiin waxa uu sheegay in ayan weli soo dhawaynin dowladaha Giriiga iyo Taliyaaniga qorshahiisa.

“Giriiga iyo Taliyaaniga ma iga iibinayaan Jaziirad, waxaan ku baaqayaa in si madax banaan aan u marti gelin doono muhaajiriinta waxaan u abuuri doonaa shaqooyiin si ay u dhistaan dalkooda cusub“ ayuu qorey.

Waraysi uu siiyey Tv ayuu ku sheegay mudane Sawiris in qorshihiisa ay soo dhaweyn doonaan dowladaha Taliyaaniga iyo Giriiga wuxuuna kadib uu u sheegay wakaalada wararka ee AFP in uu ku lug lahaan doono siinta hooy kumeel gaar ah dadkaasi, kadibna uu ku dhaqaaqi doono shaqaalaysiinta dadka si ay u dhistaan guryaha, dugsiyada, jaamacadaha, laakiin fikraddan ayaa ahayd mid uu soo sara kiciyey hadda ka hot.

Boqolaal kun oo qaxooti ah oo kasoo cararay dagaalo, dhaqaalo dari iyo saboolnimo ayaa soo gaaray qaaradda Yurub kuwaasoo doomo jilacan kaga soo gudbaya badda Mediterranean-ka, kuwo badanna waxay kasoo galaan dhanka dhulka iyagoo kasoo gudbaya Jaziiradda Balkan.

ENGLISH VERSION

An Egyptian billionaire has offered to buy an island off Italy or Greece in order to rehouse hundreds of thousands of refugees fleeing Syria and other conflicts.

Naguib Sawiris, the 10th richest man in Africa, announced the initiative on Twitter, but said that he had not yet approached the Italian or Greek governments about his plan.

"Greece or Italy sell me an island, I’ll call its independence and host the migrants and provide jobs for them building their new country," he wrote.

In a television interview, Mr Sawiris said he would approach the governments of Greece and Italy about his plan. He later told AFP news agency that it would involve giving "temporary shelters to house the people, then… employing the people to build housing, schools, universities, hospitals.”

It was not immediately clear whether Mr Sawiris would follow through on this plan, but the idea has been raised before.

Hundreds of thousands of refugees fleeing war and economic migrants escaping poverty have been arriving in Europe, on rickety boats across the Mediterranean and over land across the Balkan peninsula.

VOM-RADIO-MALTA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *