Med crossing to Malta

 

 

boatfull

ENGLISH VERSION LINK BELOW.

20 qof ayaa dhimatay 80-kalena waa lasoo bad-baadiyey.
Ciidamada Badda ee Malta ee looyaqaano AFM ayaa soo bad baadiyey dooni nooca batroolka ah oo ay lasocdeen dad tahriibayaal ah saake aroortii.

Tahriibayaashan ayaa ku go`doon sanaa maal-mahaanba bad-waynta oo qiyaastii dhoor mile u jirta Malta, waxaana ay sheegeen in doonida ay ku saarnaayeen markii ay soo-raaceen 100-qof laakiin ay dhinteen 20-qof oo iyagu kamid ahaa.

Gurmadkan lagu bad-baadiyey dadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay samayso Dowladda Malta dhowr bilood kadib, wuxuuna kusoo aaday xili xabsiyada xiran ee Detention-ka laga sii wadaya daayey dadkii soogalootiga ahaa ee ku jiray, waxaana ku haray hadda in kayar 29-qof waxaana horey ugu jiray dad kabadan 2,000 oo qof.

Source-Times Of Malta.
VOM-RADIO-MALTA
Voice Of Migrants Malta
Codka-Muhaajiriinta-Malta.

http://www.timesofmalta.com/…/80-migrants-rescued-20-feared…

 

 

 


The journey of Somalian people migrating unto Malta

3516542213_070831_boat_capsize_xlarge

ENGLISH VERSION BELOW.
STILL NOT BURIED GUDON WALI LAMA AASIN GUDOON.
Gudoon Cabdulaahi Xasan waa gabar yar oo muhaajir ah dadeeduna waa 18-jir waana muwaadinad Soomaali ah waxay ku geeriyootey jaziiradda Malta 6-dii bishan December ee 2014, kadib markii ay kasoo dhacday dhismaha afaraad ee guri dabaq ah oo ay daganayd kuna yaaley xaafada Marsaskala.
Gudoon waxay timid Malta 28-ka bishii August ee sanadkii hore 2013 waxayna la socotay doon ay saarnaayeen in kabadan 125 qof oo muhaajiriin ah kadib safar bada ah oo qaatay afar maalin, markii ay timid Malta waxaa la geeyey iyada iyo muhaajiriintii kale ee ay la socotay xabsiga xiran ee Detention –ka waxayna ku jirtay halkaasi mudo afar bilood ah waxayna la kulantay wareer iyo murugo intii ay ku jirtay Detenshinka.
Gudoon xiligaasi waxay jirtay 17-sano mana aysan qaan gaarin marka loo fiiriyo sharciga dalkani Malta, markii ay heshey xuriyadeeda waxaa la geeyey kaam ay kunoolyihiin gabdho aan qaan gaarin oo ku dhexyaal xirada qaxootiga ee Hal-far.
Sadex bilood kadib markii ay gaartay dada qaan gaarka ee 18-jirka waxay codsatay qaabilaad magan gelyonimo in ay hesho waxaana waraysi la yeehsey guddiga qaxootiga Malta kadib waxaa la siiyey sharci ay ku joogta dalkan oo aan dhamaystirneen, waxaana loo ogolaaday in ay ka guuri karto kaamkii ay daganayd oo ay ku biiri karto saaxiibadeeda si ay ula wadaagto guri ay wada kiraysanayeen oo ku yaala xaafada Marsaskala ee jaziiraddani Malta.
Gudoon waxay kasoo jeedaa qoys faqiir ah waxayna uga soo qaxday dalkeeda midab takoor dartiis maxaa yeeley waxay kasoo jeedaa qabiil ay yasto Soomaalida, aabaheedna wuxuu dhintay 2013-kii geerida aabaheed kadib waxay isaga soo tagtay Soomaaliya, bishii September ee sanadkan 2014-kana waxaa geeriyootay walaasheed iyada ka yar waxaana la dhashay Gudoon 7-caruur ah oo iyadu ka yar yar, qoyskeedu waxay kasugayaa caawimaad, lacagta ay kusoo gashay safarka tahriibtana waxaa soo amaahday hooyadeed oo isla hayd waxaad iska bixin doontaan diinta marka ay gabadhiina idin soo shaqayso.
Nasiib wanaag ma aysan rumoowin riyadii Gudoon hooyadeed maxaa yeeley way geeriyootey gabadheeda, hadda Gudoon hooyadeed waxay kujirtaa cisbitaal waxaana lasoo darsay xanuun markii ay maqashay in gabadheedu ay ku geeriyootay.
Asxaabtii ay la nooleyd Gudoon waxay noo sheegeen in ay usababeynayaan geerideeda xaalado adag oo dhanka nolasha ah iyo niyad jab lasoo darsay iyada sidoo kalena waxay xuseen dhalinyaradu in ay xanuunsan jirtay taasoo sabab u noqon karta in ay kasoo dhacdo dabaqa afaraad ee ay daganayd.
Meydka Gudoon wali lama aasin oo wuxuu kujiraa talaagada cisbitaalka Mater Dei ee caasimada Valletta, shacabka Soomaaliyeed ee kunool Malta waxay iska aruuriyeen lacago qaaraan ah si loo aaso meydka gabadhani laakiin waxaa wali baaritaano ku aadan waxa sababay geerida gabadhani wada booliiska iyadoona aan wali la ogay sawabta dhabta ah ee ay isaga soo tuurtay Gudoon dabaq afaraad ee gurigii ay daganayd.
By: Ahmed Somali.
STILL NOT BURIED
Young migrant Gudon Abdullahi Hassan, 18, a Somali citizen died 6th December 2014 after falling from a fourth floor in Marsascala Village.

Police and Health departments are still investigating what caused her death.
She came to Malta on the 28th of August 2013 on a boat with over 125 other migrants, after four days at sea. She spent four months in detention “sad and confused”, before being released. At that time she was a minor, 17, brought to Hal-far camp where immature girls are living.

After 3-months she became 18 she applied for her asylum-seeker an interview with the refugee commission Malta then she was granted subsidiary protection and was allowed to leave the camp, going to live in a shared rented home with her friends in Marsascala.

Gudon hails from a poor family, she fled her country because of discrimination she also from a minority clan in Somalia her father died in 2013 after she had left Somalia and this year in September her sister also died. She was the youngest of 7 children. her family are waiting for help, also the repayment of money she borrowed from her mother to make the journey. Traffickers demand money for the desert and sea crossings, or kill the fleeing migrants.
Now Gudon’s mother is in a coma and was shocked by the death of her daughter, Gudon’s friends consider that her death is attributable to the difficult circumstances in her life, trauma and stresses. Her body is still not buried, Somalis people living in Malta have collected contributions money to bury the dead girl but still the police are investigating the case.
VOM-RADIO.
Voice Of Migrant Malta.
Codka Muhaajiriinta Malta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *