Improving life in Somalia

1911750_379307955561793_1254156402736438305_n

Google photos. CC Commons

Still rising the risk of desert and deaths for African immigrants who are attempt to reach Europe. (Somali Translation chapter three).

Tahriibayaasha kasoo bad baada saxaraha marka ay soo gaaraan magaalada Tripoli waxay ay la kulmaan nolal adag iyo xabsi iyo xuriyad la`aan mana jirto wax xuquuq ah oo ay ku haystaan halkaasi, Liibiya kama jiro wax nidaam dowli ah tan iyo markii afka ciida loo daray dawladdii kaligii taliyihii Khadaafi ee dagaalka adag ay la galeen shacabka reer Liibiya, waxaana hubkii dowladda uu gacanta ugalay shacabka.

Dadka muhaajiriinta ah lagama jeclo Liibiya, ciidamada Booliiska ayaa habeen iyo maalinba ka qabqabta wadooyinka magaalada Tripoli sidoo kale ciidamadu waxay u dhacaan guryaha ay daganyihiin muhaajiriinta oo ay kasoo raafaan, waxaana la geeyaa xabsiyo lagu xiro oo kuyaal gudaha Liibiya waxaana ka xusi karnaa xabsiyadaasi sida Duweeshiya iyo Qaryaan oo ah kuwa aad u adag marka loo eego xaga noolasha.

Xabsiyada Liibiya waxaa ku xirxiran muhaajiriin fara badan oo si sharci daro ah kusoo galay dalkaasi oo ay ubadan yihiin Soomaali waxaad arkaysaa kuwo ku xiran kudhawaad 10-sano oo aan jirin dambi ay u xiran yihiin ama xukun kudhacay aanu ka ahayn in ay si sharci daro ah ay kusoo galeen dalkaasi maadaama ay yihiin magan gelyo doon.

Inta badan dadka muhaajiriinta ah marka la xiro waxay kasoo baxsadaan xabsiyada iyagoo soo jabsada jeelasha, halka kuwa kalena ay kabaxsadaan xili si sharci daro iyo adoonsi ah loogaga shaqaysto beeraha ay leeyihiin ciidamada ama saraakiisha xabsiyada ay ku xiranyihiin muhaajiriinta, waxaana mararka qaar ciidamadu ay toogtaan muhaajiriinta ka baxsanaysa xabsiyada iyo gacanta askarta, dadka ugu badan ee dhibaatadaasi la kulma ayaa ah Soomaali mana jiro wax uqabasho ama wax daryeel ah oo ay ka helaan Safaarada Soomaalida ama hayadaha gargaarka ah ee kashaqeeya arimaha bini`aadantinimada ee kusugan dalka Liibiya, waxaana ay buux dhaafiyeen xabsiyada dalkaasi.

Dadka tahriibta ah ee soo gaara dalka Liibiya, qorshahoodu waxa uu yahay in ay ka tilaabaan badda udhaxaysa Liibiya iyo Qaarada Yurub ee midhitereeniyaanka si ay uhelaan nolal kawanaagsan tii ay kuheysteen dalalkooda, dadka tahriibaya ayaa ka yimaada Afrika iyo Bariga dhexe, waxaana ay u badanyihiin Soomaali, Eriteriyaan, Siiriyaan, Masaari, Falastiin iyo dalalka dhaca galbeedka Afrika.

Waxaa jira kooxo muqalisiin ah oo kusugan dalka Liibiya oo ay kamid yihiin Soomaali iyo Liibiyaan kuwaasi oo doonyaha tahriibta ah kusoo rara dadkan, waxayna ka qaataan lacag dhan 1000,Doolar qofkiiba, iyagoo kusoo raraya doonyo kasamaysan tuyuub ama bambiiro la`aariyeeyey, halka doonyaha qaarna ay ka samaysan yihiin bac iyo alwaaxyo jilicsan.

Inta aan laga soo daabulin dadkani xeryaha ay tahriibta usamaysteen muqalisiinta ee ka ag dhaw xeebaha laga soo raro doonyaha tahriibta ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyiin ay kamid yihiin jirdil iyo kufsi, iyagoona lagu soo raraayo ugu dambayntii doonyo yar yar, waxayna sidaasi kusoo galaan badda oo muujadaheedu ay aad u kacsan yihiin, dadka qaar waxay naftoodu ku waayaan safarkan halista ah ee badda.

Doonyo badan oo sida dad tahriibayaal ayaa ku dagay badda kuwana waa la la`yahay ilaa iminka, meydadka tahriibayaal farabadan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa kusoo caariya xeebaha dalka Liibiya sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku dhintay bada midhitereeniyaanka muhaajiriin kabadan 30,000-kun oo qof, tahriibayaasha kasoo bad-baada badda waxa ay soo gaaraan Jaziiradaha Lampdusa, Sishiiliya iyo Malta.

Jaziirada Malta oo ah dalka ugu yar Midoowga Yurub waxaa soo gaaray sanadihii aynu soo dhaafnay muhaajiriin aad utira badan oo kasoo galay dhanka bada oo ay soo bad baadiyeen ciidamada badda Malta, marka ay yimaadaan muhaajiriinta jaziiradda Malta waxaa lageeyaa xirada xiran oo loo yaqaan (Detentio) iyagoo la kulma xuriyad la`aan tan iyo inta laga qaabilaayo codsigooda magan-gelyonimo, dadka codsiyadooda laqaabilo bilooyiin kadib waxay helaan jawaab oo waxaa la geeyaa xirada furan iyadoo laga soo saarayo xirada xiran, halka kuwa lasiiyo diidmada ay kuxirnaadaan xirada xiran mudo kudhow 2-sano.

Dhamaad
By: Ahmed Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *